Diyaarad siday ugu yaraan 10 ka mid ah Ciidanka Militariga Kenya, ayaa waxay gaartay Magaalada Nairobi, ka dib markii laga soo badbaadiyay inay ku dhacaan gacanta Ururka Al Shabaab.
Ciidankan, ayaa ka mid ahaa Ciidankii Kenya ee Jimcihii lagu weeraray fariismaha ay ku leeyihiin Degmada Ceelcadde Ee Gobolka Gedo. Waxaana soo badbaadiyay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka Kenya laga leeyahay, markii ay ku firdhadeen duleedyada Degmadaasi.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Kenya, haweeneyda lagu magacaabo Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidanka Militariga Kenya, General Samson Mwathethe, ayaa askartaasi ku soo dhaweysay Garoonka Wilson.
Raychelle Omamo, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay soo samata bixinta loo sameeyay askartan, halka kuwa weli maqana ay dadaal ugu jiraan, sidii ay ku soo badbaadin lahaayeen.
Omamo waxay kaloo sheegtay inay jiraan askar ku dhaawacantay weerarka Degmada Ceelcadde, oo dhaawacyadooda la kala gaarsiiyay Degmooyinka Mandheera & Wajeer Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Toboneeyo ka mid ah dhaawacyada Ciidanka Militariga Kenya, ayaa sidoo kale waxaa la gaarsiiyay Magaalada Nairobi, halkaasoo daryeel caafimaad loogu samaynaayo.
Dowladda Kenya, ayaan illaa iyo hadda shaacin tirada rasmiga ah ee askartooda looga dilay, sidoo kalana looga dhaawacay, laguna waayay weerarka ay masuuliyadiisu sheegatay Xarakada Al Shabaab. Laakiin waxaa la dhihi karaa waa khasaarihii ugu buurnaa oo ka soo gaara Shabaab, tan iyo markii ay gudaha u soo galeen Gobolada Koonfureed Somaliya, daba-yaaqadii bishii October ee sanadkii 2011-ka.