Xilli ay soo baxeen warar sheegaya in 15 qof oo Soomaali ku dhimatay dalka Zambia, ka dib markii ay ku neef qabatoobeen konteenarka gaari xamuul ah, oo si dhuumeysi ah ay ugu safrayeen, ayaa waxaa la sheegay inaanay Soomaali ahayn dadkaasi.
Jaaliyadda iyo ganacsatada Somaliyeed ee degan dalkaasi, ayaa arrintan u xil saaray guddi soo xaqiijiya in dadkaasi Soomaali yihiin iyo in kale, si aas loogu sameeyo haddii ay Soomaali noqdaan, waxayna guddigan soo xaqiijiyeen haba yaraatee inaanu qof Soomaali ah ku jirin dadkaasi.
Dadkan oo u muuqaal eg Soomaalida, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay u dhasheen dalalka Itoobiya iyo Eritrea, balse aanay dad Soomaali ihi ahayn.
Maxamed C/laahi oo ka mid ah guddigan, ayaa meydadka dadkaasi ku soo arkay isbitaal ku yaala Magaalada Ndola, markii ay Dowladda Zambia geysay.
Maxamed C/laahi oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay inaanay dadkaasi ahayn Soomaali, hase ahaatee sida uu sheegay ay yihiin kuwo u muuqaal eg Soomaalida, isagoo intaa ku daray inay u kala dhasheen Eritrea iyo Itoobiya.
Wuxuu sheegay laamaha ammaanku inay la xiriireen 54 kale oo dadkaasi la socday oo la soo badbaadiyay, isla-markaana ay tusiyeen magacyadii ay dadkaasi ku saarnaayeen gaariga, sidoo kalana ay u sheegeen inaanay la socon wax Soomaali ah.
Maxamed C/laahi, ayaa sidoo kale sheegay in si khaldan loo tebiyay warkan, isla-markaana aanay dadkan ka soo bixin wadanka Tanzania, laakiin ay ka amba baxeen Zambia, ayna ku sii jeedeen dalka DR Congo.