18 Qof oo Somali ah una badan Dumar ayaa la horgeeyay Maxkamadda Magaalada Mombsa ee dalka Kenya waxaana lagu eedeeyay in ay sharci darro ku joogeen Kenya.
Maxkamadda ayaa iyada oo qaadeysa kiiska 18 qof oo saddex ka mid ah ay Caruur yihiin,waxa uu qareenkii difaacayay ku dooday in dadka laga yaabo in ay ka warhayaan hay’adaha qaabila Qaxootiga.
Maxkamadda ayaa dadkan ku eedeysay in ay Kenya galeen iyaga oo aan heysan Dukuminti sax ah,waxaana kadib gacanta ku dhigay ciidanka ammaanka dalka Kenya kuwaas oo Maxkamadda ku wareejiyay.
Qaaddiga Maxkamadda Mombasa Kiage,ayaa amray in Hay’adaha Qaxootiga qaabilsan ay keenaan caddeynta dadkan waxaana uu dib u dhigay xukunka la xiriira Kiiskooda.
Saddexda qof ee Caruurta ah ayaa ku sii jiri doona Xabsi Caruureed ku yaalla Mombasa kuwaas oo halkaas ay dowladda ku hayneyso illaa ay Hay’adaha Qaxootiga ka keenaan Dukumintiyada dadka Somalida ah.
Dadkaan Somalida ah ayaa muddo fog ku jiray gacanta Hay’addaha ammaanka dalka Kenya, kadib markii laga qabtay Gobolka Xeebta ee dalkaasi.
Somali badan oo aanan haysan sharciyo ayaa ku jira gacanta Hay’addaha ammaanka dalka Kenya, kuwaasi oo qaarkood aanan helin cadaaladii ay u baahnaayeen.