Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo u Hambalyeeyay Madax weynaha cusub ee Galmudug

0
396

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed guusha uu ka gaaray doorashii ka dhacday Cadaado, isagoo dhanka kalena ku bogaadiyay guddiga doorashada iyo Xildhibaannada maamulkaasi howsha doorashadii maanta dhacday.

“Waxaan u hambalyaynayaa Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Alle ayaan uga baryaynaa in uu howsha adag ee loo doortay ku garab galo, waxaan aad ugu faraxsanahay sida ay doorashada u dhacday, oo ah mid xaq ah iyo si xalaal ku dhacday, bulshadana ay la shaqeeyaan hogaanka cusub” ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa u rajeeyay Madaxweynaha cusub ee Galmudug mudane C/Kariin Xuseen Guuleed in uu Ilaah u fududeeyo xilka loo doortay.