Madaxweyne Obama oo Kenya ka Codsaday in aan la dhibaateyn dadka ku nool dalkooda

0
338

Star FM: Madaxweeynaha dalka Mareeykanka Baraka Obama oo boqasho ku jooga dalka Kenya ayaa dowladda dalkaas kala hadlay dhibaatada ay ciidamada dalkaas u geystaan dadka ku nool dalka Kenya ee ka soo jeeda dalalka Bariga Afrika.

Madaxweeyne Obama ayaa kulankaasi uu la yeeshay dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxaa uu ka dalbaday in la joojiyo tacaddiyada iyo xadgudubyada loo geeysanayo dadka ku nool gudaha dalka Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa dil, xarig iyo tacaddiyo kale u geysta dadka muslimiinta ah ee ku nool dalkaas oo ay ugu horreeyso Soomaalida deggan gobolka Waqooyi Bari Kenya iyo muslimiinta ku nool gobolka xeebta ah ee Mombasa mar kasta oo ay Xarakada Al Shabaab weerarro ka fuliyaan gudanaha dalka Kenya.

Ugu dambeeyntii Obama ayaa waxa uu sheegay in ay si wanaagsan dadku ay u heli doonaan garsoor dhab ah oo aan eex lahayn,waxaa kale oo Xukuumadda Kenya iyo Shacabkeedaba uu ku guubaabiyay in meel la iska dhigo waxa uu ugu yeeray Shisheeye nacaybka,sida midda ka jirta dalka Koofurta Afrika oo dad badan oo ajnabi ah lagu dilay sannooyinkii inasoo dhaafay.