Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Kismaayo Gaaray

0
382

STAR FM: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunka Gobolka Jubada Hoose, isagoo halkaasi kula kulmi doona madaxda Maamulka KMG Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxda Maamulka Jubbaland waxaana la filayaa in uu kulan la qaato hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Muane Axmad Madoobe.

Madaxweynaha safarkiisa ayaa yimid ka gadaal markii ay mas’uuliyiinta maamullada Puntland iyo Jubba ay sheegeen in aysan aqoonsaneyn maamulka dhowaan la yagleelay Galmudug iyo in ay qaadici doonaan shir ay yeelanayaan maamullada dalka oo la filayo inuu 29 ilaa 30-ka bishan ka dhaco magaalada Muqdisho.