War DEG DEG: Qarax aad uxoogan oo lala eegtay Hotelka Jazeera

0
339

July 26 (StarFm) Qarax aad u xoogan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Hotel Jazeera, iyadoo qaraxan uu gil gilay magaalada oo idil.

Wararka ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay meel ku dhow irida Hotelka, waxaana qaraxan uu ahaa mid magaalada oo idil ruxay

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga qaraxa fuliyay uu ahaa gaari weyn oo kuwa xamuulka ah, waxaana tanka qaraxa uu ahaa mid aad u ballaarnaa, marka la fiiriyo bur burka soo gaaray Hotelka.

Hotelka ayaa qeybo badan uu bur buray, iyadoo daaqadihii ay soo hoobteen, dad goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxan noociisa oo kale aan horay loo arkin.

Waxaa socda gurmadka loo fidinayo dadkii wax ku noqday qaraxa, waxaana gebi ahaanba xiran wadada isku xirta Isgoyska KM4 illaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

waxii faah faahin dheeri ah waan idinla soo socodoonaa