Dadka Reer Beled Xaawo oo saaka diiday in Mandheera looga yimaado

0
438

Ganacsatada Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa saaka go’aan ku gaaray in ay hakad geliyaan dadkii ka imanayay Magaalada Mandheera kadib markii Ciidamadav Kenya aya billaabeen in Dadka Beled Xaawo ay u diidaan dhinaca mandheera in ay u gudbaan , waxaana ay ogolaadeen in Dadka ka imanaya Mandheera ee Soomaalida iyo Kenyaanka kale ay u gudbaan Beled Xaawo kana ganacsadaan.
Qaar kamid ah ganacsatada,ardayda odayasha magaalada baladxaawo ayaa qatay go aan kaan ee lagu mamnuucaayo dadka ka imaanayo magaalada mandheera in wax ganacsi ah aysan ka soodoonan karim magaalada baladxaawo sida uu kusoowaramayo wariyaheen magaalada mandheera maxamuud lafagari.
Ciidamada Kenya ayaa xiray Xadka labada magaalo u dhaxeeya kadib markii dhowrjeer ay weerarro ka dhaceen Waqooyi bari Kenya kuwaas oo Dowladda Kenya ay ku eedeeysay Al-shababa ka soo gudba Sohdina Beled Xaawo iyo Mandheera