Puntland iyo Jubbaland oo ka baaqsaday kaqeyb galka Shirka Hiigsiga 2016

0
418

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka qeyb gelin doonin shirka looga hadlayo barnaamijka Hiigsiga cusub ee New Deal-ka ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho
kaasoo ay shir gudoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ergeyga Qaramada Midoobey Nicholas Kay.

Shirkan ayaa looga hadlayaa qorshayaasha sanadka 2016 iyo waxyaabaha la qaban doono mudada u hartay dowladda, iyadoo horay balantu aheyd in 2016 ay doorasho ka dhacdo.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u qaadacay ka qeyb galka shirkan, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku eedeeyeen inay marin habaabisay dastuurka dalka u yaala.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Maamulka Jubbaland oo saaka la hadlay mid ka mid ah Idaacada Muqdisho ayaa sheegay in maamulkiisa aanu ka qeyb geli doonin shirkaas.

“Anaga mowqifkeena shirkaas horay ayaa u cadeynay kamana qeyb galeyn, waxayna aheyd in marka hore Madaxweynaha Soomaaliya inaan iska aragno arrintan “ayuu yiri Geelle Maxamed Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Jubbaland

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa iyana cadeeyay in aanay shirkaas ka qeyb galeyn, kadib markii dowladda Federaalka ku eedeeyeen inay shirkii Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug ay gadaal ka riixeysay.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shirkan ka qeyb galaya, isla markaana la dhinac fariisanaya Madaxda dowladda iyo Beesha Caalamka.

Shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro qodobo ku aadan hiigsiga sanadka 2016 iyo sida suura gal u tahay in nooc doorasho dalka uga dhacdo, maadaama Baarlamaanka iyo Xukuumadda horay u cadeeyeen in aanay doorasho qof iyo cod dalka ka dhici karin.