Shirkii looga hadlaaye Hiigsiga cusub oo lafilaayo Macado kadib in uu ka Furmo Magaalada Muqdisho

0
411

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo shirka looga hadlaayo arimaha Hiigsiga cusub ee 2016-ka, shirkaasi ay ka qaybgalayaan wakiilo kala duwan.

Shirkan waxa si Wadajir ah u Guddoominaya Madxweynaha Xasan Sheekh iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaliya waxaa ka qeyb galaya Erga ka badan 120 ruux oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada, Bulshada Rayidka iyo Beesha caalamka.

Xubnaha shirkaan ka qaybgalaya ayaa ku qul-qulaya Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ammaanka Magaalada Muqdisho si weyn loo adkeeyay.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga C/raxmaan Caynte ayaa sheegay in ahmiyad weyn ay u leedahay Dowladda Somalia shirkaan maanta ka qabsoomaya Magaalada Muqdisho.

“Shirkaan ayaa ah kii ugu horreeyey ee heerkan ah oo lagu qabto Soomaliya, kaa oo looga hadlaayo Barnamijka New Deal-ka ee looga dhawaaqay Brussels 2013kii, kaa oo micnahiisu ahaa maaraynta deeqaha dowladda Soomaliya ay caalamka ka hesho iyo xoojinta geeddi socodka waxa loogu yeero Hiigsiga cusub ee Soomaliya.” ayuu yiri Wasiir Ceynte.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaanan shirkaan ka qaybgalayn oo sida wararka ay sheegayaan diiday ka qaybgalka shirkan, taa bedelkeeda waxaa ka qaybgalaya Maamul Goboleedyada Galmudug iyo sidoo kale Maamulka Koonfur Galbeed.

Dowladda Federalka Somalia ayaa shalay ku dhawaaqday in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, waxaana Dowladda ay ku baaqday in la qabto shirweyne wadatashi ah.