Maamulka Jubbaland oo maanta ansaxiyay Dastuurkii Lagu Dhaqi Lahaa(Daawo Sawirada)

0
380

Munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ayaa lagu ansaxiyay Dastuurka, iyadoo Ergada Dastuurka ay haa ugu codeysay sharci ahaanshaha Dastuurka.

300 oo Ergo oo loogu tala-galay inay ansaxiyo Dastuurka, ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay, iyagoona intoodu badan haa ugu codeeyay ansaxinta Dastuurka.

Suxufiyiinta Magaalada Kismaayo, ayaa soo sheegaaya in Ergadu ay cod aqlabiyad leh ku ansaxisay sharci ahaanshaha Dastuurka, markii loo bandhigay inay haa iyo maya ugu kala codayn karaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed C/raxmaan oo ka hadlay ansaxinta Dastuurka, ayaa waxa uu soo dhaweeyay codka aqlabiyadda leh ee Ergadu ku ansaxisay Dastuurka uu yeelanaayo Baarlamaanka Jubbaland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in 15-ka bishan ay dhici doonto Doorashada Madaxtinimada Jubbaland, isla-markaana ay diyaar garow ugu jiraan qabashada Doorashada Madaxweynaha.

Ka dib ansaxinta Dastuurka, ayaa waxaa goobtaasi soo gaaray Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Somaliya, Maxamed Sheekh Xasan iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Jubland5

Jubland6

Jubland7

Jubland9

Jubland91

Jubland92

Jubland93

Jubland95

Jubland96

Jubland

Jubland4

Jubland3

Jubland1