Madaxweynaha oo Digreeto lagu magacaabay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Kasobaxday Xafiiskiisa

0
350

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu magacaabay Taliye ku xigeenka 1-aad iyo Taliye ku xigeenka 2aad ee ciidanka Booliska Somalia.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa saxaafadda u akhriyay Digreetada lagu magacaaban labadaan Saraakiil.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, markii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “B” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay sharci Lambar 2 ee soo baxay 23/12/1973 kuna saabsan dhismaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Markuu tixgeliyay soo jeedinta ee Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo N0,-keedu yahay XRW00325 ee soo baxday 12/07/2015 kuna saabsaneyd soo jeedinta magacaabista taliye ku-xigeenka koowaad iyo taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, markuu uu garwaaqsaday baahida loo qabo in la magacaabo taliye xigeenka koowaad iyo taliye xigeenka labaad ee ciidanka booliska, waxa uu Madaxweynuhu soo saaray xeerkan, Qodobka koowaad laga bilaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo xeerkan, waana saxiixanyahay waxaa sareeye guuto Mukhtaar Xuseen Afraxa loo magacaabay in uu noqdo Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, sidoo kale sareeyo guuto Bashiir Cabdi Maxamed waxaa loo magacaabay in uu noqdo taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka booliska oo digreetada akhriyay.