Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaaladii Kadhacay Deegaano Hoostaga Gobalaka Hiiraan

0
305

Wararka aan ka helayno Gobolka Hiiraan, ee bartamaha Dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in Dagaal uu ka dhacay Deegaanno ku yaalla Gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidanka Dowlada Somalia iyo AMISOM ay weerar Culus ku qaadeen Deegaanno ay Al shabaab joogeen oo ku dhaw degmada Buula-Burde, waxaana Saacado kadib Deegaanadaasi la wareegay Ciidanka Isbahaysiga.

Deegaanada Maanta Al shabaab laga saarey ayaa waxaa kamid ah Garasaani, Nuur-Fanax iyo Beer-Xaano, oo maalmihii lasoo dhaafay ay Dagaal iyo Duqeymo cirka ah ka dhacayeen.

Col Cusmaan Salaad, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in la wareegist aDeegaanadana Cusub ee Al shabaab ay kala wareegeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee loo yaqaano “Hiil-Qaran.”

Gulufka Dagaal ee ka socda Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu micneeyay Isku-furka Wadooyinka Al shabaab u xiran.

Waxaa hada degan xaalada Deegaanada laga saaray Alshabaab waxaana suuragal ah in Kooxdu ay xili waliba soo qaado dagaal rogaal celin ah