Madaxda Dalalka Kenya Ugaandha Ethopia Ayaa Maanta kulan Ugu furmayaa Magaalda Kampala

0
440

Magaalada Kampala ee dalka Yugaandha waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan Madaxda dalalka Yugaandha, Kenya iyo Itoobiya wxayna ka wada hadli doonaan Arrimaha Gobolka.

Madaxweynaha dalka Yugaandha Yoweri Museveni ayaa marti galinya shirka maanta ka furmaya Magaalada Kambala ee dalkaas, iyadoo shirkaasi Madaxda ay uga hadli Doonaan iskaashi dhexmara Hoggaamiyaasha dalalka kulmaya ee Itoobiya, Kenya iyo Dalka marti galinaya shirka.

Si doo kale waxaa shirkaas looga hadli doonaa Arrimaha Gobolka gaar ahaan xaaladaha ka taagan dalalka Soomaaliya, Burundi Suudaanta koonfureed iyo Arrimo Ganacsiga ku saabsan oo ay dalalkaas wadaagaan.

Hoggaamiyaasha Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Yugaandha waxa ay xoogga saari doonaan xaladda dalka Suudaanta koonfureed, iyadoo horay Urur Goboleedka IGAD ay isugu dayeen xallinta dagaalladaas ka soconaya dalkaasi.

Madaxweynaha dalka Yugaandha ayaa haatan waxa uu madax u yahay Guddi loo xil saaray xallinta Arrimaha ka taagan dalka Burundi.