Madaxweynaha Jubbaland oo xariga ka jaray Xarumaha Wasaaradaha Maaliyadda & Xiriirka Caalamiga (Daawo Sawirada)

0
298

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta xariga ka jaray Xarumaha Wasaaradaha Maaliyadda, Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah, oo laga hirgeliyay Magaalada Kismaayo.

Xarumahan oo billihii ugu dambeeyay uu dhisme ku soconaayay, ayaa waxaa la soo gaba gabeeyay dhawaan, waana taa midda keentay in maanta uu xariga ka jaro Madaxweynaha Jubbaland.

Munaasabadda uu Madaxweynuhu xariga kaga jaray Xarumaha Wasaaradahaasi, ayaa waxaa ku wehlinaayay Madaxweynaha Ku Xigeenka 2-aad Jubbaland, Suldaan C/qaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere), Wasiiro Jubbaland ka tirsan iyo Siyaasiyiin.

Gaba gabadii Xarumaha uu xarigu ka jaray Madaxweynaha, ayaa wuxuu la hadlay Saxaafadda, wuxuuna guubaabiyay Masuuliyiinta ka tirsan Wasaaradahaasi, isagoona ugu yeeray inay xoojiyan shaqada ay ummada u hayaan.

Axmed Maxamed Islaam, ayaa mahdiyay in xilligan xariga la gajaro Wasaaradahaasi, xilli sida uu sheegay ay dhawaana hirgelin doonaan Wasaarado kale, oo Xarumahoodu laga dhisaayo Magaalada Kismaayo.

Madoobe2

Madoobe3

Madoobe4

Madoobe5

Madoobe6

Madoobe7

Madoobe8

Madoobe9

Madoobe21

Madoobe91

Madoobe93

Madoobe94

Madoobe95

Madoobe96

Madoobe97

Madoobe981