Nin Udhashay Dalka Bangaladesh Oo Diinta Aflagaadeeyey Oo Wadankaas Lagu Dilay (Daawo Sawirada)

0
423

Nin wax ku qori jiray baraha Intermetka oo u dhashay Dalka bangaladhesh ayaa kooxo baangado ku hubeesan waxa ay ku dileen gudaha dalkaasi, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu u gafay diinta Islaamka.

Kooxo baangado iyo midiyo watay ayaa gurigisa ku weeraray ninkan wax ku qorijiray baraha Internetka, waxa ayna si xun ugu dhax dileen gurigiisa iyagoona markii ay dilka u geesteen kadib goobtaasi ka baxsaday.

Ninkan la dilay ayaa noqonaya kii afarraad oo wax ku qora baraha Internetka oo dil qorsheesan oo loogu geesto gudaha Dalka Bangaladhesh,waxaana dilkaasi si kulul u canbaareesay Rai’sal wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina.

R/Wasaaraha waxa ay sheegtay in aan loo dulqaadan karin dilalka nuucaan oo kala ah, waxa ayna ku baaqday in lasoo xiro oo sharciga la horkeeno kooxihii ka dambeeyay dilka loo geestay ninkan wax ku qri jiray baraha Internetka.

banga_1

banga_2

banga_3

banga_4

banga_5