Wasiirka Arimaha Gudaha Ayaa Maanta Baydhaba Kafuray Shir Looga Hadlaayo Soo Xulista Baarlamaanka K/Galabeed

0
278

Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ka furmay shir lagu soo xulayo Baarlamaanka Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, shirkan ayaana socon doona mudo 30-cisho ah.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed (Odawa) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiir Odawaa ayaa maanta si rasmi ah Magaalada Baydhabo uga furmay shirka lagu soo xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana shirkan ka qeyb galaya Odayaal matalaya Beelaha Dega sadaxda Gobol uu kakooban yahay maamulkaasi.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Odayaasha ka qeyb galaya shirka maanta ka furmay Magaalada Baydhabo ayaa ka codsaday Dowlada Federaalka in ay gacan kasiiso dhismaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaan laheyn Baarlamaan shaqeeya, waxaana Madaxaweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan soo doortay ergo la xareeyay, waxaana la filayaa in maamulkaasi hada loo dhiso Baarlamaan shaqeeya sida Maamul Goboleedada kale ee dalka ka jira