Ciidamada Daacada u ah Madaxweyne Haadi Oo la Wareegay Magaalada Muhiimka ah ee Zinjibar

0
388

Ciidamada daacada u ah dowladda Yemen ee taageerada ka helaya isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa dib ula wareegay magaalada muhiimka ah ee Zinjibar, kadib markii ay saareen Mucaaradka Xuutiyiinta.

Zinjibar oo ah caasimada gobolka Abyan ee Koofurta Yemen ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay dagaalo xoogan.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa luminaya magaalooyin hor leh, tan iyo markii bishii la soo dhaafay laga saaray magaalada Cadan ee ah magaalada labaad ee ugu weyn Yemen.

Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa sii wada duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta oo la kulmayay muddooyinkii u dambeeyay dhabar jab aad u xoogan.

Dadka deegaanka magaalada xeebta ku taal ayaa si qasab ah lagu amray inay uga barakacaan, waxaase ay dib ugu soo laabteen magaalada maanta oo axad aheyd.

Ugu yaraan 19 ruux ayaa ku dhimatay 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka ka socday Zinjibar illaa dhamaadkii todobaadkii hore.

Sidoo kale ciidamada daacada u ah Yemen ayaa todobaadkii hore la wareegay garoonka diyaaradaha ee Al-Anad.

Dhinaca kale Imaaraadka Carabta ayaa sabtidii sheegay in saddex ka mid ah ciidamadooda lagu dilay, xilli ay ka qeyb qaadanayeen dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta.

Wakaaladaha wararka ee dowladaha Khaliijka ayaa ka hadlin halka iyo goobta lagy dilay askartan u dhalatay Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa qalab milateri ugu deeqay ciidamada dowladda Yemen oo guluf dagaal oo ka dhan ah Xuutiyiinta kula jira.