Dalka Canada oo Lagu Dilay Muwaadin Soomaaliyeed

0
254

Dalka Canada, waxaa lagu dilay nin Somali Canadian ah, sida ay shaaciyeen Booliska dalkaasi oo baahiyay Sawirka ninkaan Soomaaliga ah.

Booliska ma aysan cadeyn rasmi ahaan cida ka dambeysay dilkaan loo geystay Ninkaan Soomaali Canadian-ka ah, balse waxa ay sheegeen in dambiilihii ka dambeeyay dilka uu baxsaday.

Wuxuu ka dhacay dilkaan Irida hore Hotee lagu magacaabo Marriott oo u dhow isgoyska waddada Bay iyo Dundas.

Booliska dalka Canada, waxa ay magaca Ninkaasi Somaliga ah ku sheegeen Kabil Cabdul Khaadir, da’diisana waxaa lagu sheegay 27-sano jir.

Dilka wiilkaan Soomaaliga ah ayaa dhacay shalay oo Axad aheyd, waxaana Booliska ay sheegayaan inay wadaan baaris ku aadan qaabkii dilka uu u dhacay, iyadoo dadkii ka agdhawaa goobta Booliska u sheegeen inay keenaan hadii ay hayaan macluumaad ku saabsan qaabka dilka wiilkaasi Soomaaliga ah uu u dhacay.

Ehelada Marxuumkaan la dilay ayaa aad uga naxay falka dilka ah ee Wiilkooda loo geystay, waloow ilaa hada aysan jirin cid si toos ah loogu eedeeyay dilkaasi.

Marxuumka la dilay ee Kabil ayaa sanadkii 2009 waxaa lagu eedeeyay in gaarigiisa laga dhex helay hub sharcidaro ah, sida uu qoray Tv-ga Canada.