Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Booqasho ku tagey Degmada Berdaale

0
459

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, ayaa waxa uu maanta uu booqasho rasmi ah uu ku tagey Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay.

Madaxweynaha iyo xubno uu horboodaayay oo diyaarad gaar ah ka raacay Xarunta Gobolka Baay Ee Magaalada Baydhabo, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmadaasi Berdaale.

Berdaale waxay qiyaastii 50km u jirtaa Magaalada Baydhabo, waxaana ku wada sugan Ciidanka Militariga Somaliya iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee Amisom.

Booqashada Madaxweynaha ee Degmada Berdaale, ayaa waxay salka ku haysaa sidii uu u gayn lahaa Maamul cusub oo dhawaan uu u magacaabay, tababar lagu wado in loo furo Ciidanka Daraawiishta ee Degmadaasi ku sugan iyo sidii uu ula kulmi lahaa qaybaha bulshada.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxaa socdaalkan ku wehlinaaya Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo xubno kale oo ka socda hay’adaha gargaarka.

Shariif Xasan, ayaa waxaa lagu wadaa in caawa uu ku hoydo Degmadaasi, iyadoo dhinaca kalana si weyn loo adkeeyay ammaanka. Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa iska wada kaashanaaya xaqiijinta amniga.