Qalalaaso sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Hargeysa

0
376

Wararka ka imaanaya magaalada hargaeysa ayaa sheegaya in rabshado ka dhacay magaalada hargeysa ay sababtay in Wiil 11 jir ah uu ku dhintay, halka afar kalena ku dhaawacmeen, kadib rabshad xalay ka dhacday magaalada Hargeysa, iyadoo ciidamada Booliska ay rasaas ku fureen dhalinyaro dhagax ku tuuray.

Rabshadan ayaa ka bilaabatay muran la xiriira dhul, iyadoo ciidamada booliska oo goobta gaaray ay hal ruux xabsiga dhigeen, waxaana kadib bilowday isku dhac dhex maray booliska iyo dhalinyaro.

Wararka ayaa sheegaya in markii ciidamada booliska dhagxaan lagu tuuray ay ku jawaabeen rasaas ay hoos hoos u rideen, waxaana dadka dhibaatada soo gaartay ay ahaayeen hal qoys.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada booliska ay dad kale u xir xireen rabshadahan oo markii hore ka dhashay xarig loo geystay aabaha qoyska dhibaatada gaartay.

Dhaawaca ka dhashay rasaasta ay fureen ciidamada Booliska ayaa waxaa la dhigay isbitaalka guud ee Hargeysa, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Amniga.

Muranada dhulka ka dhasha ayaa ku soo badanayay magaalada Hargeysa, iyadoo horay ciidamada booliska ay xabsiga u dhigeen dad rabshado dhex maray.