Qunsuliyada Mareykanka iyo Saldhig Boolis ku yaal Istanbul Oo Weerar lagu Qaaday

0
392

Labo nin oo hubeysan ayaa Rasaas ku furay meel ka baxsan Qunsuliyada Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, saacado kadib markii qarax gaari lagu weeraray saldhig Boolis.

Ugu yaraan todobo ruux ayaa ku dhaawacmay weerarka bambaano ee lagu qaaday saldhiga booliska, kuwaasoo shan ka mid ah ay ahaayeen Boolis.

Sidoo kale ma jirin waxyeelo ka dhalatay weerarka kale ee lagu qaaday Qunsuliyada Mareykanka, markii labo nin hubeysan ay rasaas ku fureen dibada Qunsuliyada.

Kooxihii weeraray Qunsuliyada Mareykanka ayaa cararay, markii ciidamada booliska ay rasaas ugu jawaabeen.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada u dhaxeysa Turkiga iyo Jabhadda PKK, kadib markii ay weeraro cirka ah ku qaadeen.

Turkiga ayaa door muuqda ka qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Daacish, kadib markii todobaad ka hor uu weeraro cirka ah ku qaaday saldhigyo gudaha Suuriya ku leeyihiin.