Maanta Waxaa ka Dhacay Magaalada Muqdisho Bannaanbax ka dhan ah Muungaab

0
314

Banaanbaxan, ayaa waxaa dhigay dad dhawaan laga barakaciyay dhismooyinka ku yaala dhabarka dambe ee Dugsigii Farsamada Gacanta Ee Buulo Tikniko, kuna dhow Garoonka Duulimaadyada Aadan Cadde.

Bannaanbaxayaasha oo isugu soo baxay dhulkii laga barakaciyay oo haawanaaya, ayaa ku qaylinaayay ereyo kul kulul oo ka dhan ah Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Gaba gabadii bannaanbaxa, ayaa waxay bannaanbaxayaasha qaarkood la hadleen Warbaahinta, iyagoona sheegay in barakacin lagu sameeyay, iyagoo haysta sharcigii lahaanshaha dhulka.

Nin oday ah oo ka mid ahaa dadkii Warbaahinta la hadlay, ayaa yiri “Anagoo haysano dokumintiyo sharci ah, ayuu Muungaab naga saaray dhulkeenii, qaarkeen dadkii la barakaciyay waxay dulsaar ku yihiin qoysas ay ehelo yihiin, ma haystaan meelo kale ay ku hoydaan.”

Waxa kaloo uu yiri “Muungaab wuxuu markii hore uu noo sheegay in dhulkeena na loogu bedeli doono dhul kale. Illaa iyo hadda ma jirto dhul kale oo nala dejiyay, been ayuu noo sheegay, ballantii wuu nooga baxay ee ahayd, dib u dejin inuu noo samayn doono.”

Ninkan odayga ah, ayaa waxa uu ku waramaaya inay xogta ku helayan in dhulkii laga barakaciyay lagu wado in laga iibiyo ganacsato, ha yeeshee uu Madaxda Dowladda ugu baaqaayo in lala xisaabtamo Duqa Muqdisho.

“Hadda waxaan maqalnay in dhulkeenii laga iibin rabo niman ganacsato ah. Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaan ka rabnaa inay si adag ula xisaabtamaan Muungaab.” Ayuu yiri odayga.

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha, ayaa horaantii sanadkan waxay Muungaab ku eedeeyen inuu barakacin ku sameeyay in ka badan labaatan kun oo ruux, inkastoo uu Muungaab waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymahaasi.

Xildhibaanad Bishaaro Cabdi Garabey oo xubin ka ah Guddiga Gaadiidka, Wadooyinka, Dekedaha & Garoomada Ee Baarlamaanka, ayaa waxay Muungaab ku eedeysay inuu diiday in wax laga weydiiyo barakacinta iyo dhul boob, ay sheegtay laga sameeyay Magaalada Muqdisho.