Maxkamad kutaala UK oo Wiil 14-sano jir ah ku xukuntay xabsi gaaray 11-sano

0
348

Maxkamad kutaala Dalka Ingiriiska ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday wiil yar oo 14-sano jir ah, wiilkan ayaa lagu helay dambi ah in uu dhaawac culus u geestay macalinkiisa.

Wiilkan oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Pakistan ayaa ku nool magaalada Bradford ee Dalka Ingiriiska , waxa uuna weerar ku qaaday macalinkiisa isaga oo adeegsanayay toorey, waxa uuna wiilkaasi dhaawac culus gaarsiiyay macalinkiisa.

Ardaygan ayaa la sheegay in falka uu geestay ay salka ku heyso cunsurinimo, macalinka uu dhaawaca u geestay ayaana ahaa macalin Madow ah, waxa uuna ardaygan markii uu dhaawacay kadib macalikiisa uu bartiisa ku qoray fal la xariira cunsurinimo.

Macalinka oo 50-sano jir ahaa ayaa ardayga ku amray in uu damiyo telfoonkiisa xiliga uu fasalka ku jiro, hasa ahaatee ardayga oo ahaa mid kibir badan ayaa la sheegay in uu ka carooday amarka macalinkiisa sidaasna weerarka ugu qaaday.

Maxkamada kiiska wiilkan yar qaadeysay ayaa ugu dambeyn go’aamisay in wiilkan ku rido xukun adag oo xabsi 11-sano ah, waxaana horey u sheegay macalinka la dhaawacay in uu cafiyay wiilkaasi balse maxkamada ayaa ku adkeesatay go’aankeeda xukunka ah.