Maxkamad Kutaalada Wadanka UK Oo Xabsi Daa’im Kuxukuntay Nin Somali ah oo dil ka geystay Ddalkaas

0
336

Maxkamad ku taallo Magaalada Glasgow ee dalka Britain ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday nin ku eedeysnaa inuu dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay caasimadda Gobalka Scotland ee Edinburgh.

Eedeysanahan oo maxkamada lasoo taagay ayaa waxaa lagu cadeeyay kiiska dilka ah ee uu geystay, dilkaasi oo dhacay Sanadkii 2013-kii Bishii May 26-keedii waxaana lagu xukumay dil xukun xabsi daa’in ah.

Ninka la xukumay ayaa waxaa lagu magacaabaa Mohamed Ahmed, loona yaqaano Jamaal Saciid, waxaana Booliska ay sheegeen in gacan ku dhiiglaha uu ka mid ahaa Koox Burcad ah oo daroogada ka ganacsata.

Mohamed Ahmed ayaa Booliska ay qabteen, kadib markii uu Somalia kasoo noqday, waxaana lagu qabtay Magaalada Edingburgh ee dalka Britain.

Dhinaca kale, Maxkamadda magaalladda Glasgow waxay Kiiska dilka Marxuum Mohamed Abdi horey ugu xukuntay Saddex Eedeysane oo lagu kala magacaabo Mohamoud Muhumad, Caadil Hussien iyo Hussien Ali,kuwaasi oo lagu helay inay ku lug laahaayeen falka lagu dilaay Marxuumka.

Maxkamada Magaalada Glasgow, ayaa cadeysay in Dambiilaha iyo koox kale oo Daroogada ka ganacsata la xiray kadib markii lagu helay cadeymo ku aadan dilka ay geysteen.