Werar xalay lagu Qaaday Garoonka Diyaarada Ee Magaalada Kismaayo Oo Ah Xarunta Maamulka Jubba

0
294

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, ayaa sheegaya in xalay madaafiic lagu garaacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo oo fariisin u ah ciidamada Kenya ee howlgalka Amisom qaybta ka ah.

Madaafiicdan oo ahaa kuwa culus oo Magaalada Kismaayo gudaheeda laga maqlay, ayaa la sheegayaa inay qaarkood ku dhaceen gudaha Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Madaafiicda kadib waxaa xigay dagaal toos ah oo Xoogaga Shabaab ay ku qaadeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, iyadoo ciidanka Amisom ay iska difaaceen dagaalkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid aad u kulul oo ciidamada Shabaabka ay ku asqeeyeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, ayaa waxaa la maqlaayay fariisinka ciidanka Amisom oo qoryo culus ay ka dhacayeen.

Waxaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo madaafiicda Shabaab xalay ay ku weerareen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose.

Saraakiisha Maamulka Jubbaland oo aan la xiriirnay ayeeysan inoo suuragelin inaan qadka taleefoonka ku helno si aan wax uga weydiino dagaalkii xalay iyo khasaaraha ka dhashay.