Madaxweynaha oo maanta kormeeray Kutagay Bankiga Dhexe Somaliya (SAWIRRO)

0
303

adaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tagey xarunta Bankiga Dhexe Somaliya, isagoo u kuurgalayey habsami u socodka hawlaha bankiga.

Madaxweynaha, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Bashiir Ciise Cali, Guddoomiye Ku Xigeenka Bankiga, Maryan Cabdullaahi Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa madaxda bankiga kala hadley qorshaha dowladdu ku dooneyso in la sameeyo lacag shilin Soomaali ah oo wax looga qabanayo dhaqaalaha dalka, horumarinta hawlaha la xiriira maareynta maaliyadda iyo qaabeynta hay’adaha maaliyadda ee dalka ka hawlgala.

Madaxda baanka, ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey hawlaha bankiga ka socda, tayaynta adeegyada iyo dadaalka bankiga ugu jiro inuu si buuxda dib ugu soo nooleeyo dhammaan adeegyadii muhiimka ahaa ee uu qaranka u hayey.

Culusow6

Culusow12

Culusow22

Culusow31