Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay suuq ku yaal waqooyi bari Nigeria

0
444

Illaa 47 ruux ayaa ku geeriyootay, 50-kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax xoogan uu ka dhacay suuq aad u mashquul ah oo ku yaala waqooyi bari Gobolka Borno ee dalka Nigeria.

Milateriga Nigeria ayaa sheegay in weerarkaas uu ka dhacay suuq ku yaala deegaanka Sabon Gari oo koofur ka xigta Gobolka Borno.

Suuqan ayaa lagu iibinayay xoolaha nool, waxaana looga shakisan yahay in weerarkan ay ka dambeeyeen Kooxda Boko Haram.

Boko Haram ayaa boqolaal ruux ku dishay gobolka Borno, waxaana uu gobolkaas u ahaa saldhig weyn, hase ahaatee Ciidamada Milateriga Nigeria ayaa xoog uga saaray.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweynaha Nigeria Buhari kooxda Boko Haram ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneysa waqooyi bari Nigeria iyo dalalka deriska ah.