Qarax wayn oo ka dhacay dalka Shiinaha Oo Qasaaro Badan Dhaliyey

0
339

Qarax aad u weyn ayaa ka dhacay dalka Shiinaha, gaar ahaan Magaalada Tianjin ee dalkaasi, waxaa ka dhashay qaraxaasi khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sida Warbaahinta ay soo tabinayso.

Lama oga waxyaabaha ka dhashay qaraxaan, hayeeshe wararka ayaa sheegaya in goobta qaraxa uu ka dhacay ay ka agdhaw yihiin Bakhaaro ay ku xareysan yihiin waxyaabo Kiimiko ah.

Dadka Qaraxa ku geeriyooday ayaa lagu sheegay tiradooda 17-ruux oo ku sugnaa halka qaraxa uu ka dhacay, waxaa jira dhaawacyo kale oo qaraxaan ka dhashay.

Muuqaal laga soo duubay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinaayay Olol cirka isku shareeray oo ka dhashay qaraxaasi.

Ilaa hada Booliska waxa ay ku mashquulsan yihiin waxa uu ahaa qaraxaasi sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa aad u hadal haysa qaraxa, waxaana si gaar ah ay uga sheekeynayaan goobta qaraxa uu ka dhacay inay ku yaallaan Bakhaaro ay ka buuxan waxyaabo Kiimiko ah.