Guddoonka Baarlamaanka oo go’aan ka soo saaray mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha

0
344

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow go’aan ka soo saaray mooshinka laga soo gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo Guddoonku uu si rasmi u caddeeyay in mooshinka uu qabtay 12-kii bishan, kaasoo ay ku saxiixnaayeen illaa 93 Xildhibaan.

Sidoo kale sheegay inuu u meel marin doono mooshinkan si waafaqsan dastuurka, isla markaana tilmaamay in Baarlamaanka awood u leeyahay in arrimahan oo kale xaliyo, waxaana looga digay shacabka iyo dadka kale in la sameeyo wax hor istaagi kara habsami u socodka nidaamka dowladda.

Go’aankan ka soo baxay Guddoonka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maanta uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Jawaari