Daacish Oo Laba Nin Oo Lagu Soo Edeeyey In Ay isku Galmoodeen Dabaqdheer Kasoo Tuuray (Daawo Sawirada)

0
429

Dagaalyahanada Kooxda Daacish ayaa soo bandhigay muuqaal muujinaya dil ay ku fulinayaan labo nin ay ku eedeeyeen in ay sameeyeen fal la xariira Qoomuluudnimo, waxaana ragan laga soo tuuray fooqa sare dabaq aad u dheer.

Labadan nin ay daacish dilayeen ayaa kahor inta aan dabaqa dheer laga soo tuurin waxaa laga xiray indhaha iyo gacmaha, waxaana kadib laga soo tuuray dabaq dheer, waxaana markii ay dhulka kusoo dhaceyn kadib dhagxaan ku dhameestaray dadweyne halkaasi ku sugnaa.

Xukunkan ay daacish ku fulinayeen labadaasi ayaa ka dhacday Magaalada Homs ee Dalka Siiriya, waxaana daawashada xukunka dilka ah kasoo eyb galay qaar kamid ah taageerayaasha Daacish ay ku jiraan caruur aad u yar yar.

Daacish ayaa inta badan looga bartay in xukuno adag ay dil ku fuliyaan raga ay ku eedeeyaan in ay isku galmoodaan iyo kuwa kale ay dambiyada kale ku helaan, waxaana marar kala duwan warbaahinta lagu soo bandhigay dilal argagax leh ay fulinayaan dagaalyahano katirsan Kooxdaasi.

qom_1

qom_2

qom_3

qom_4

qom_2