Xukuno Isugu jiray Dil iyo Xabsi Ayey Fulisay Maxkamadda Gobolka Banaadir Maanta

0
356

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukuno dil iyo xabsi isugu jira ku riday eedeysanayaal lagu helay inay geysteen falal la xiriira dil iyo Kufsi, iyadoo sidoo kale Maxkamaddu ay dib u dhigtay xukunada labo qof oo ka mid ahaa dadkii Maxkamada la horgeeyay.

Maxkamadda oo maanta u fariisatay dacwado kufsi iyo dil ah oo lagusoo eedeeyay 7-qof oo mid ay dumar tahay, iyadoo inta badan eedeysanayaasha ay qirteen dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Maxamed Xasan Nuur oo dacwad ooge ka ahaa inta badan kiisaskii maanta Maxkamadda ay qaadeysay ayaa mid mid usoo bandhigay dambiyada loo heysto eedeysanayaasha, iyadoo qareenadana ay Maxkamada horteeda ay ku difaacayeen eedeysanayaasha.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay xukuno xabsi iyo dil isugu jira oo lagu riday 5-kamid ah eedeyasnayaashii Maxkamada la horkeenay, halka dib loo dhigay Maxakamadeynta laba qof oo kamid ahaa shaqsiyaadkii maanta Maxkamada lasoo taagay.

Eedeysanayaasha xukunada lagu riday ayaa waxaa ka mid ahaa Abuukar Cabdi Axmed oo lagu soo eedeeyay inuu dilay Marxuum la oran jiray Xasan Cismaan Axmed Maxkamada Gobolka Banaadir waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah

Sidoo kale waxaa isna Qaasim Ciiley Cabdi oo ku eedeysnaa wiil yar oo afar jir ah uu ku sameeyay fal kufsi ah Maxakamadu waxay ku xukuntay 10-sano oo xabsi ah iyo 10-Milyan oo ganaax ah, Maxamed Cali Maxamuud dib ayaa loo dhigay, Cabdiraxmaan Nuuraani Maxamed oo ku eedeysan kufsi inuu u geystay gabar yar oo aan qaangaar aheyn Maxkamada Gobolka Banaadir waxay ku xukuntay 15-sano oo xarig ah iyo 8-kun diollar oo ah dhibaatadii gaartay gabadha, Aweys Cabdinuur Ibraahim oo ku eedeysan inuu dilay marxuumad la oran jiray Nimco Cabdi Maxamed, Maxkamadu waxay ku xukuntay dil toogasho ah, Maxamed Cabdullaahi Cabdi oo ku eedeysan baabuur uu waday uu ku dhintay Marxuum la oran jiray Cali Abshir Cali baaburkaas oo u rarnaa si taxadar la’aan ah oo aan sharciguna ogoleyn isaga darawalka ahna uusan heysan leysan Maxakmada Gobolka Banaadir waxa ay ku xukuntay laba sano oo xabsi ah iyo diyada Marxuumka oo ah 100-halaad.