Taliyihii Sirdoonka Pakistan oo geeriyooday

0
459

Taliyihii hore Sirdoonka dalka Pakistan Jeneraal Xaamid Guul, ayaa geeriyooday, isaga oo da’diisa ay tahay 79-sano jir, Sarkaalkaan ayaa caan ka ahaa dalkaasi.

Geerida Jeneraalka, ayaa waxaa xaqiijiyay Qoyskiisa oo sheegay inuu u dhintay dhiig maskaxda kaga furmay, wuxuu madax ka ahaan jiray Hay’adda Sirdoonka dalka Pakistaan ee loo yaqaan ISI.

Sarkaalkaan ayaa caan wuxuu ku ahaa sida uu kaga soo horjeedo dalalka Mareykanka Iyo India iyo inuusan la gamban afkaartiisa Islaamiga ah, isaga oo Warbaahinta caalamiga badanaa ka hadli jiray.

Waxa uu taageero u fidin jiray xooggaga hubeysan ee ka dagaalama Afghanistan iyo qeybta ay India ka maamusho Gobolka Kashmir.

Xasiloonidarada ka jirta dalka Pakistaan ayaa wuxuu dusha uga tuuri jiray inay masuul ka yihiin dalalka Mareykanka iyo Inida, oo uu ku eedeyn jiray inay faragelin ku hayaan arimaha dalka Pakistaan.

Xaamid Guul, ayaa taageerayaashiisa waxa ay ku jeclaayeen inuu ahaa muwaadin dhab ah oo u taagan horumarka dalka Pakistaan iyo sidoo kale inuu ahaa nin ku ad-adag Diinta Islaamka aadna u jeclaa.