Xarun lagu Tababaro Dadka Xajka u Safra oo laga Furay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

0
438

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa markii ugu horeysay laga furay Xarun dadka lagu baro qaabka loo Xajiyo, taasoo ka caawinaysa inay si sax ah u Xajiyan, marka ay u safraan Kacbada.

Xarunta oo loogu magac-daray Safa, ayaa waxaa laga hirgeliyay Degmada Hodan Ee Bartamaha Magaalada Muqdisho. Waxaana laga dhex dhisay dhisme yar oo loo ekeysiiyay Kacbada.

Sawiradan, ayaa waxay muujinaaya tiro dad ah oo ku dawaafaaya dhismaha cusub ee Safa, iyagoo tababar ahaan u qaadanaaya sharuudaha uu Xajka ku waafaqo.

Dadkii tagey Xaruntan, ayaa sheegay in halkaasi laga hirgeliyay dhisme u ek Xajka iyo Maqaamu Ibraahim, iyadoona ay soo dhaweeyen qaybaha bulshada.

Tani, ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli uu soo dhawyahay gudashada waajibaadka Xajka, isla-markaana ay dhowr kun oo Soomaali ihi isu diyaarinayso inay u safraan Sacuudiga.

Xajka

Xajka1

Xajka2

Xajka3

Xajka4

Xajka5

Xajka6