Abubakar Shekhau oo beeniyay inuu geeriyooday

0
392

Hogaamiyaha Ururka Boko Haram, ayaa beeniyay inuu geeriyooday, ama naafo uu noqday, kadib muuqaalo beryahan Boko Haram ay soo duubeen oo uusan ka soo dhex-muuqan hogaamiyaha.

Abubakar Shekhau, Hogaamiyaha Ururka Boko Haram oo ku hadlaayay cod degan, ayaa sheegay inuu caafimaad qabo, aysana wax ka jirin wararka sheegaya inuu geeriyooday ama dhibaato ay soo gaartay.

Isaga oo ku hadlaayay cod degan oo laga soo duubay, ayaa Abubakar Shekhau, waxa uu si jees-jees ah uga hadlay hadal kasoo yeeray Todobaadkii hore Madaxweynaha dalka Chad, kaasi oo ku aadanaa in Kooxda Boko Haram ay magacaabeen Hogaamiye kale, balse waxa uu sheegay Abubakar Shekhau inuu dhimanaayo marka waqtigiisa Xagga Alle uu kasoo dhamaado.

Hogaamiyaha Ururka Boko Haram, codka laga soo duubay oo 8-daqiiqo ahaa ayaa sidoo kale wuxuu kaga hadlay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari oo ahaa in Boko Haram muddo saddex bilood gudahooda ay ku baabi’in doonaan.

Abubakar Shekhau, Hogaamiyaha Ururka Boko Haram, ayaa sheegay inay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Dowladda Nigeria.

Boko Haram ayaa caan waxa ay ku tahay weerarada culus ee ay ka fuliyaan gudaha dalka Nigeria iyo sidoo kale dalalka deriska la’ah dalkaasi, gaar ahaan dalka Chad oo ay saameeyeen weerarada Kooxda.

Codka maqalka ee laga soo duubay Hogaamiyaha Ururka Boko Haram, ayaa wuxuu ku hadlaayay Luuqada Hausa.