Ciidamada Dawlada Oo Holgal Aysameen Maanta Kusoo Qbtay Wax yaalaha Qarxa

0
353

Ciidamada Booliska Somaliya oo hawlgal ka sameeyay Magaalada Muqdisho, ayaa waxay ku soo qabteen guri lagu diyaarinaayay walxaha qarxa, si weeraro looga gaysto Magaalada Muqdisho.

Gurigan oo ku yaala Degmada Yaaqshiid, ayaa waxaa laga soo qabtay laba nin iyo haweeney, kuwaa oo lala xiriirinaayo suurta galnimada inay xiriir la lee yihiin Ururka Al Shabaab. Guriga waxaa laga helay qaraxyo iyo bistoolado la sheegay in dadka lagu dili jiray.

Taliye Ku Xigeenka Booliska Somaliya, General Mukhtaar Xuseen Afrax oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in hawlgalka oo xalay laga sameeyay Degmada Yaaqshiid ay ugu suurta gashay inay ku soo qabtaan saddexdaasi qof, qaraxyada iyo bistooladaha.

Taliye Ku Xigeenka, ayaa ku waramaaya inay in muddo ahba ku daba jooggeen gurigaasi, ugu dambeena ay ku guuleysteen inay ka soo dhex helayn qaraxyada.

General Afrax, ayaa sidoo kale sheegay laamaha ammaanka inay wadaan baaritaano ka dhan ah dadkii qaraxyada lagu soo qab qabtay, iyadoo uu muujiyay inay dadka ku dili jireen Magaalada Muqdisho.

Afrax waxa uu shacabka reer Muqdisho uu ku ammaanay wada shaqaynta ay la lee yihiin Xoogaga Booliska, isagoo Booliska iyo shacabka ku sheegay kuwo si wadajir ah u shaqeeya.

Guriga laga helay walxahan qarxa, ayaa ahaa mid ka sameysan jiingad oo ay lee yihiin dad shacab ah, balse tallaabada lagu soo qabtay, ayaa waxaa xogteedu bixiyay shacabka.