Qarax weyn Oo ka Dhacay Goob lagu Cibaadeysto Oo Ku Taala Dalka Thailand (Daawo Sawirada)

0
413

Goobta la beegsaday oo lagu magacaabo Erawan Shrine, ayaa waxaa ku cibaadeysan jiray dadka Hinduga ah ee u dhashay dalka Thailand. Xaruntaasi waxay ku taallaa Bartamaha Magaalada Bangkok Ee Xarunta Wadanka Thailand.

Ka dib markii daryanka qaraxaasi laga maqlay halkaasi, ayaa waxaa ka dhashay argagax iyo jahwareer badan oo dadkii aaggaasi ka ag-dhawaa uu geliyay, iyadoo la arkaayay dadka oo cagaha wax ka deyaaya, xilli ay jahwareersanaayen.

Ugu yaraan 12 ruux, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhimatay qaraxaasi, halka 78 kalana ay ku dhaawacantay. Dadka qaarkood waxaa soo gaaray dhaawac aad u halis badan, oo u muuqda kuwo aan waxba laga qaban karin.

Warbaahinta Thailand, ayaa qortay suurta galnimada in dhimashadu ay intaa ka sii badato, inkastoo ay goobaha caafimaadka dadaal badan ku bixinayan, sidii nolosha dadkaasi loo badbaadin lahaa.

Booliska waxay sheegeen in qaraxaasi mooto lagu keenay Macbadka Erawan Shrine, xilli ay ku sugnaayen dad ku cibaadeysanaayay. Waana markii ugu horeysay oo weerar ceynkani oo kala ah lagu qaado Macbadyada Thailand ku yaala.

Dalka Thailand oo ku yaala Koonfur Bari Asia, ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka aynaan ka dhicin falalka argagaxiso, balse wuxuu xilligan u muuqdaa mid loo gudbiyay amaba lagu tallaalay cudurka halista ah ee qaraxyada.

Thailand waxa uu macnihiisu noqonayaa dhulkii xorta ahaa, wuxuuna ka badbaaday dalalkii wax gumeystay ee dunida soo maray. Thailand waxa uu lee yahay Militari xoog badan leh. Thailand waxa uu xuduud la wadaagaa dalalka Malaysia, Myanmar, Combodia iyo Laos.

Thailand waxaa ku nool arday Somaliyeed oo wax ka barata Jaamadaha dalkaasi ku yaala, sidoo kale waxaa jira ganacsato Somaliyeed oo agabyada uu dalkaasi soo saaro ka soo dhoofiya.

Thailand2

Thailand4

Thailand5

Thailand6

Thailand7

Thailand8

Thailand9

Thailand11

Thailand91

Thailand92

Thailand93

A policeman looks at the scene of devastation after a bomb exploded outside a religious shrine in central Bangkok late on August 17, 2015 killing at least two people and wounding scores more. Body parts were scattered across the street after the bomb went off outside the Erawan Shrine in the downtown Chidlom district of the Thai capital.   AFP PHOTO / AIDAN JONES
A policeman looks at the scene of devastation after a bomb exploded outside a religious shrine in central Bangkok late on August 17, 2015 killing at least two people and wounding scores more. Body parts were scattered across the street after the bomb went off outside the Erawan Shrine in the downtown Chidlom district of the Thai capital. AFP PHOTO / AIDAN JONES

Thailand95