Waa Maxay Sababta Luugu Diiday Cali Ameeriko in uu Mudaha ugalo Magaalada Baladweyne

0
337

Maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay ka hadleen diidmadii ay ku sameeyeen Maxamed Cali Ameeriko Safiirkii hore ee dalka Kenya u fadhin jiray Somalia, inuu galo Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan ahna ku Simaha Guddoomiyaha Salaad Xasan Cabdi, ayaa sheegay amarka loogu diiday Cali Ameeriko inuu galo Magaalada Beladweyne uu kasoo baxay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, waxaana amarkaasi si aad ah uga xumaaday masuuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan.

“Markii aan soo dhaweynay oo aan Beladweyne duleedkeeda uga hortagnay, ayaa waxaa soo hadlay oo amar soo bixiyay Guddoomiyaha Gobolka oo yiri Maxamed Cali Ameeriko meesha uu joogo haka noqdo Magaalada Beladweyne ma geli karo.” Ayuu yiri Salaad Xasan Cabdi

Wuxuu intaasi warkiisa raaciyay “Guddoomiyaha Sababta wuxuu ku sheegay in Cali Ameeriko uu wado arimo siyaasadeed, sidaasi awgeed ayuu yiri aniga uma rabo arimo siyaasadeed Gobolka marka haka noqdo meesha uu joogo.”

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan Salaad Xasan Cabdi ayaa tilmaamay inay isku dayeen in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan lagu qanciyo Cali Ameeriko inuusan u socon arimo siyaasadeed, balse uu u socdo inuu shacabka Magaalada Beladweyne nabadda la qaybsado.

“Waxaan isku daynay inaan Guddoomiyaha Gobolka ku qancino Cali Ameeriko inuusan u socon arimo Siyaasadeed balse uu u socdo Socdaal uu ugu magacdaray Socdaalka Nabadda, laakiin Guddoomiyaha waan ku qancin weynay arintaasi.” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan Salaad Xasan Cabdi oo u waramay Idaacada BBC

Iyadoo ay arintaasi ay taagan tahay ayaa mar kale Guddoomiyaha Gobolka uu soo hadlay, kuna amray masuuliyiinta Gobolka Hiiraan Cali Ameeriko uu geli karo Magaalada, balse arintaasi waxaa si adag u diiday Cali Ameeriko oo sheegay hadii markii hore loo diiday Magaalada Beladweyne inuu galo isaga oo muwaadin Soomaaliyeed ah inuu ka laabanaayo Magaaladaasi, dibna uu ugu noqonaayo Magaalada Guriceel oo uu waqtigaasi ka yimid.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa arintaan waxa ay ku tahay mid waji gabax ah oo dad badan ay ku dhaliileen.