Cumar C/rashiid oo magacaabay Xoghayaha joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha

0
343

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia.

Xilkaan waxaa loo magacaabay Yaxye Cali Ibraahin oo ah Madaxa Jaamacada SIU ee ku taallo Magaalada Muqdisho, kadib markii Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia uu soo jeediyay Yaxye in laga dhigo Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha.

Yaxye Cali Ibraahin oo ah nin aqoon yahan ah ayaa hada ahaa lataliyaha Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia.

Warqada Magacaabista Yaxye Cali Ibraahin ayaa soo baxday 15-kii Bishan, balse Warbaahinta ayaa lasoo gaadhsiiyay maanta oo ah 18 Bisha August.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ku saxiixan Warqada magacaabista Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda.

Nomination-792x1024