Dagaal Ka Dhacay Wadada Xiriirisa Degmooyinka Xudur iyo Waajid

0
303

Dagaalka hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday, ayaa ka dhacay wadada xiriirisa Degmooyinka Waajid & Xudur Ee Gobolka Bakool, gaar ahaan Deegaanka Ceelbaar.

Dagaalka wuxuu ka dambeeyay markii Ciidamada Dowladda Somaliya oo gacan ka helaaya Ciidanka Koonfur Galbeed, ay ku dhaqaaqeen Xoogag Shabaabka ka tirsanaa, oo sida la sheegay isu uruursanaayay Deegaankaasi.

Wararka waxay intaa ku darayan in dagaalku uu sababay barakac iyo hakad ku yimid isu socodkii Xudur iyo Waajid, iyadoo gaadiid ku kala wajahnaa Degmooyinkaasi ay safaradoodii hakiyen.

Sidoo kale waxaa jira waxyeelo dhinacyadii dagaalamay ka soo gaaray dagaalka, walow ay adag tahay in macluumaad dhab ah laga halo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha guud ee dagaalkaasi uu sababay.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay hawlgalo ka waday Gobolka Bakool, hawlgaladaasi waxay qayb ka yihiin midka Shabaabka looga saaraayo Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Shabaabka, ayaa waxaa laga wada saaray dhammaan Degmooyinka Gobolka Bakool, laakiin waxay weli ku sugan yihiin Deegaanada Degmooyinka u dhaxeeya, iyagoona go’doomiyay Degmooyinka qaarkood.