C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa kala noqday Wakaaladdii Qareen Maxkamadda Gobolka Banaadir

0
113

C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa kala noqday Wakaaladdii Qareen ee saddexdii qareen uu u doodayay, kaddib markii Maxkamadda Racfaanka ay dib u furtay kiiskii siyaasigan oo 21-kii bishan ay soo afjartay Maxkamadda Gobolka Banaadir, isla markaana dib ugu celisay Xoriyaddiisa, hase ahaatee Xeer Ilaalinta ay sheegtay inay racfaan ka qaadatay.

Warqad qoraal ah oo uu qoray C/raxmaan C/shakuur ayuu ku sheegay inuu kala noqday wakaaladii Qareennimo ee Qareenada kala ah Tahliil Xaaji Axmed, Qareen C/kariin Maxamed Axmed iyo Qareen Aamina Xaaji Axmed.

“Waxaan idin kaga mahad celinayaa sida hufan ee aad ii difaacdeen, dacwadii horgeynta Maxkamadda Gobolka Banaadir, hase ahaatee waxaa idin ku wargelinayaa inaan ka noqday idmashadii Qareen inaad iga noqotaan dacwadda siyaasadeysan ee uu Xeer Ilaaliga doonayo inuu igu socodsiiyo si aan waafaqsaneyn sharciga”ayaa lagu yiri warqad uu qoray C/raxmaan C/shakuur.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inay maanta dib u celisay qareenadii C/raxmaan C.shakuur, maadaama aysan xilligaas wadan wax wakaalad ah, iyadoo la sheegay in dhageysiga dacwada dib loo dhigay maalin kale.

Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo midda Racfaanka ayaa u muuqda kuwo ku kala qeybsan kiiskan, maadaama 21-kii bishan qaraar ay gaartay maxkamadda Gobolka Banaadir ku diiday in aan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aanka ay soo saartay oo dib xoriyadiisa loogu soo celiyay C/raxmaan C/shakuur.

Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur:-