Dawlada Mareekanka Ayaa Sheaagtay In Ay Duqeyn Kudileen Dagaalyahano Al-shabaab Ah.

0
109

Howlgalka dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa waxa ay sheegeen in ay fuliyeen duqeymo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya ,islamarkaana ay ku beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM waxa ay sheegeen duqeyntaasi in ay dhacday Subaxnimadii Axadda aheyd , waxaana ay beegsadeen xubno ka mid ah Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyntaasi ay ku dishay in ka badan 13 xubnood oo ka tirsan Ciidamada Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sidoo kale xustay in howlgalkaasi ay ka qeyb qaateen ciidamada dowladda ee sidda gaarka ah u tababar.

Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay si wadi doonaan duqeynta dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaa