Shabaab, Ayaa Waxa ay Weerar ka Gaysteen Jazeerada Lamu ee Dalka Kenya

0
100

Xoogag ka tirsan Ururka Shabaab, ayaa waxa ay weerar ka gaysteen Jazeerada Lamu ee dalka Kenya, kadib markii ay wadada u galeen gaari ay la socdeen dad u dhashay dalka Kenya.

Weerarka ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Witu iyo Gamba oo ka tirsan Jazeerada Lamu, waxaana ciidamadii Shabaab ka tirsanaa u suuragashay inay si toos ah ula wareegaan gaari ay la socdeen ciidamo Kenyatti ah.

Gaariga la qabtay ayaa waxaa saarnaa laba ruux oo Kenyatti ah, waxaana Al Shabaab ay sheegeen inay dileen labadaasi ruux, ugu dambeyna ay gubeen gaarigii ay wateen, sida laga baahiyay Idaacada Andalus ee afka Shabaab ku hadasha.

Al Shabaab ayaa sheegtay weerarka inuu ahaa mid qorsheysan oo si gaar ah loo fuliyay, maadaama bartilmaameedka uu ahaa gaarigaasi ciidamada ay gubeen.

Dagaalyahanada Shabaabka ayaa weerarada noocaan oo kale ah waxa ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya, waxayna beegsadaan gaadiidka ay saaran yihiin dadka Kenyan-ka ah iyo ciidamada dalkaasi.

Warbaahinta dalka Kenya, waxa ay ku waramaysaa in ciidamada Kenya ay wadaan hawlgal ay ku raadinayaan Shabaabkii weerarka halkaasi ka gaystay.