(DHAGAYSO) Santor Cabdi qaybdiid oo ka hadlay werar lagu qaaday guri uu ka dagnaa muqdisho

0
105

Cabdi Qaybdiid oo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa, ayaa ka hadlay werar galinkii dambe ee maanta lagu qaaday guri uu ka dagnaa magalada Muqdisho waxuuna tibaaxay in gurigiisa la soo weeraray xilli uu shaqo ku maqnaa, isagoo intaa ku daray in la jebiyay dhammaanba albaabada ku yaala gurigiisa, ka dibna baaritaan lagu sameeyay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in la xir xiray dadkii guriga ku sugnaa, lagana qaaday teleefanadii ay wateen, oo ay ku jiraan xaaskiisa iyo gabar uu dhalay. Waxa kaloo uu sheegay xaaskiisa in suuliga/musqusha lagu jebiyay, dabadeedna galay.

Dhanka kale Cabdi Qaybdiid, ayaa sheegay in uu soo la xiriiray Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan waxa uu ii sheegay buu yiri ciidankaas waxa ay ahaayeen Ciidanka Emirate-ka, balse uu tuhmayo ciidanka soo weeraray inay yihiin ciidan dowladeed, wixii intaasi dheerna lagu ogaan doono baarinada la samaynayo, sida uu yiri.

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Ayaa ah gudoomiyaha gudiga dib u eegista labada aqal ee baarlamaanka Somaliya.