(DHAGAYSO) Saraakiil loo xiray werarkii guriga santor Cabadi Qaybdiid

0
114

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Gorod oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40-Askari oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday guriga Cabdi Qeybdiid.

Taliyaha ayaa sidoo kale xabsiga dhigay laba sarkaal oo falkan lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii maanta lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Taliyaha ayaa ku tilmaamay falkii lagu galay laguna baaray guriga Senatorka fal xun waxana uu sheegay in lala xisaabtami doono ciidankii weerarkaas fuliyay.

Taliyaha ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto ciidamada howlgalkaan sameeyay, waxa uuna ku tilmaamay weerar fool xun oo dhaawacaya sumcadda dowladnimada.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyey weerarkii lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Qeybdiid, isagoo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka amray in la baaro cidii falkaasi ka dambeysay.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu cambaareynayo in la weeraro hoyga Muqdisho uu ka daganyahay Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka inuu baaritaan deg-deg ah ku sameeyo falkii sharci darrada ahaa ee lagu galay hoyga Senator Cabdi Qaybdiid, waxuuna uu intaasi ku daray in cidii ka dambeysay weerarkaasi sharciga lala tiigsan doono.