Guddiga Difaaca oo Maanta ka Shiraya Dhismaha Darbiga Kenya Baled Xaawo

0
111

Dowladda Kenya ayaa todobaadkii saddexaad ku hawlan dhismaha darbiga ay marineyso soodinta ay la wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhanka Degmada Baled Xaawo.

Waxaa jiray isku dhac dhanka dadka deegaanka ah iyo Ciidamada Kenya ee illaalada ka haya Shaqaalaha ku hawlan dhismaha Darbiga.
Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Magaalada ayaa sheegay in Dowladda Kenya lagu wargeliyay in ay joojiyo Dhismaha ay Magaalada marsiineyso.

Hadii uu Kenya u hirgalo Dhismaha dhanka darbiga ay wado, qaybo ka mid ah Magaalada Balad Xaawo waxa ay raaci doontaa dhulka Kenya u go’ayo sida ay sheegeen Maamulka Magaalada.

Guddiga Difaaca Baarlamaanka ayaa maanta lagu wadaa in kulankoodu uu ka dhaco Xarunta shirarka iyo kulamada Xasaasiga ee Villa Hargeysa.

Xubno katirsan Guddiyada ayaa sheegay in shirkooda ay diiradda ku saari doonaan sidii Kenya loogala hadli lahaa joojinta dhismaha, maadaama cabashooyinka dadka deegaanka ay soo kordheen.

Kenya ayaa horay u bilawday dhismo darbi ay ku wareejineyso Soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya, waxayna sheegtay in ay kaga hor tageyso Weerarada Al-Shabaab ay ka geysanayaan Gudaha dalkeeda, iyagoo ka gudbaya Xuduudda.