Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

0
4519

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa maanta kulankoodii ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen weerarkii shalay ciidamo la sheegay inay tababaraan Imaaraadka Carabta ay ku galeen hoyga C/qaybdiid.

Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi ay ku kaceen ciidamada, waxaana ay sheegeen in arintaan ay u baaha tahay isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Aqalka Sare Xildhibaanadooda, ayaa sheegay arintaan in wax laga waydiin doono Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo Wasiirka amniga Somaliya.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa aragti mideysan oo cambaareyn ah ka jeediyay falkaasi shalay dhacay, waxayna sheegeen muhiim inay tahay in la qaato masuuliyadda falka dhacay.

Ciidamo gaaraya 42 askari ayaa u xiran weerarkii shalay lagu qaaday hoyga C/qaybdiid ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Madaxweynaha Somaliya uu amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo falkaasi.

Somaliya ayaa xilligan waxaa ka jirta jawi siyaasadeed oo qasan, waxaana arinta C/qaybdiid oo noqotay dhacdo cusub ay sii xumaysay xaaladda siyaasaddeed ee kacsan.