Masuuliyiinta Hay’adda Culimadda Somaliyed Ayaa War Ka Soo Saaray Xalada Siyaasada Dalka.

0
181

Shirjaraa’id oo maanta Magaalada Muqdisho ay ku qabteen masuuliyiinta Hay’adda Culimadda Somaliyed ayaa waxa ay kaga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka uu maraayo.

Bayaan ay Saxaafadda u aqriyeen Culimadda Somaliyed, ayaa waxa ay fariimo kala duwan ugu direen dowladda Federalka Somaliya iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Muqdisho ku sugan.

Culimadda ayaa sheegay Siyaasiyiinta mucaaradka ah in looga baahan yahay mucaaradnimadooda inay noqoto mid wax dhiseysa, balse aysan noqon mid wax duminaysa oo dalka sii galinaysa xaalad adag.

Waxa kale oo fariin ay u direen dowladda Federalka Somaliya oo ay ka dalbadeen inay ixtiraamto xuquuqda muwaadinka Somaliyed uu leeyahay.

Culimadda waxa ay ka digeen in laga fogaado isticmaalka awooda sharciga, iyadoo loo maraayo hab qaldan, waxayna soo jeediyaan hanaanka sharciga dalka inuu sareeyo.

Ugu dambeyn Culimadda Somaliyed ayaa waxa ay ku dardaarmeen shacabka inay illaashadaan diintooda, dalkooda iyo dadnimadooda.