Dhagyso; Maxkamadda ciidamda qalabka sida oo bilowday dhagaysiga dacwadda rag loo heesto qaraxii Soobe

0
126

Maxkamadda darjada Kowaad ee ciidamada qalabka sida ee somaliya ayaa la horgeyay dacwad ciqaabeed loo heesto rag lagu edyay inay kulug lahaayeen qarkii 14 October ee sanadkii dhamaday ka dhacay isgoysa soobe ee magalada Muqdisho kaasi oo ay dad badin ku dhinteen iyadoo boqlaal kale ay ku dhaawacmeen.

Eedaysanayaasha maxkamadda la horgeeyay oo shan qofood ahaa ayaa dhamaantood lagu edyay inay ka tirsanayeen alshabaab islamarkaana ay kulug laahaayeen abaabulka qaraxaasi, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay

1:-Xasan Aadan Isaaq Cali ina Xaawo Maxamed Cali 23 jir ah ku dhashay Gobolka Baay
2:-Cabdullaahi Ibraahim Xasan Absuge oo maqane ah

3:-Cabduweli Axmed Diiriye ina Dhubado Ibraahim Xasan 32 jir ah ku dhashay Gobolka Galgaduud.
4:-Muqtaar Maxamuud Xasan Rooble ina Kaaho Kaariye Cawaale 43 jir ah ku dhashay Galgaduud

5:-Cabdulahi Cabdi Warsame Cali ina Raaxo Mire Siyaad 35 jir ah ku dhashay Cabudwaaq.

waxayna ugu dambeen gudoomiyaha makamadda darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida ee somaliya Cali Nuur Shuute uu shegay in maalinta Khamiista dib loo sii anbaqaadi doono dhagaysiga dacwadaas.