Dhageyso:-C/Raxmaan Faroole “Waa Maalin Isbadal Xalaal Ah Uu Ka Dhacay Garowe”.

0
94

Madaxweynihii Hore Ee Puntland C/Raxmaan Maxamed Faroole Ayaa Hadal Kooban Ka Jeediyay Hoolka Doroshada Ee Lagu Doortay Madaxweynaha Cusub Ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Senetor Faroole Ayaa Hadalkiisa Ku Muujiyay Siduu Ula Dhacsanaa In Doorashada Uu Ka Haro Madaxweyne Gaas, Waxaana Uu Sheegay In Doorashada Ka Dhacday Magaalada Garowe Ay Aheyd Mid Xalaal Ah.

Wuxuu Sidoo Kale Sheegay In Madaxweynaha Cusub Ee La Doortay Uu Wax Badan Ka Yaqaano Islamarkaana Uu Hogaamin Karo Shacabka Puntland.

“Waa Maalin Weyn Waa Maalin Isbadal Xalaal Ah Uu Ka Dhacay Puntland, Waxaa Dadka Puntland Loo Xulay Qof Xilka Lagu Aamini Karo, Waxaan U Mahad Celinayaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland, Waxaana Kaga Mahadcelinayaa Doorashada Ay Doorteen Hogaamiye Saciid Cabdullaahi Deni Oo Ah Siyaasi Nadiif Ah”,

Z0000271